JUBANET

 

Home

        Wararka Soomaaliya & Caalamka  
    

 Ciidamada ammaanka Kismaayo oo so dhiciyey gaari xalay la dhacay

 

Howlgal ay manta ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ka sameeyeen deegaanka Buula-Gaduud oo qiyaastii 30Km dhinaca waqooyi kaga began magaaladan ayaa waxaa ay ku soo qabteen gaari nooca lagu raaxeysta ah oo xalay gudaha Kismaayo ay ka dhaceen kooxa maleeshiya hubeysan.

Tacshiirad ay Buula-gaduud isku weydaarsadeen ciidamada iyo raggii baabuurka dhacay ayaa waxaa ay sababtay in uu dhaawacmo askari ka tirsanaa ciidamada nabadgelyada oo dhawaaciisa la keenay Isbitaalka guud, saraakiisha howlgalkan horkaceysay ayaa u sheegay Gedoweb in ay soo qabteen afar kamid ah kooxdii wax dhacday oo hadda ku xiran sida ay tibaaxeen xabsiga dhexe ee Kismaayo.

Abbaanduulaha ciidamada gobolada Jubboyinka Warfaa Sheekh Aadan oo arrintan ay wariyataashu wax ka weydiiyeen ayaa ku nuux-nuuxsadxay in ay baacsadeen maleeshiyooyinkii baabuurka qafaashay oo uu xusay in haraadigoodii ay ku baadi joogaan oo ay soo qabanayaan, wuxuu uga digay kuwa wax dhaca in ay ka waantoobaan haddii kale ay toogasho ku dili doonaan.

Dhaca gaadiidka sida lagu yaqaana kuma badna magaalada Kismaayo, waxaana kani uu noqanayaa ki ugu horeeyey ee sanadkan dhaca.


Maxamed Xaashi Tawakal