JUBANET

 

Home

        Wararka Soomaaliya & Caalamka  
    
Ciidamada amaanka degmada Balad xaawo oo Gacanta ku soo dhigay nin la sheegay in uu shalay halaakasi dad ku laayay.  

Ciidamada nabad galyada degmada balad xaawo ayaa Howl gal ay sameeyeen ku qabtay nin lala xariirinayo in uu falal dil ah ka geystay degmada Balad xaawo ee Gobolka gedo.

Ciidamada amaanka degmada Balad xaawo ee gobolka gedo ayaa ku guuleystay in Gacanta ay ku soo dhigaan nin falal dil iyo dhaawac isugu jira ka geystay degmadaasi,ka dib howlgal balaaran oo shalay galinkii dambe halkaasi ka fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka balad Xaawo.

Ninkaan la soo qabtay ayaa haatan waxa uu ku xiranyahay Saldhiga Booliska degmada Bald Xaawo ayaa shalay galab si ula kac ah u dilay haweeeey uur leh halka nin kale oo wadada maraye uu dhaawacay, asagoona si dhuumaaleysi ah ugu jiray xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Balad Xaawo.

Howl galkii Shalay galab ka dhacay degmada balad xaawo ayna fulinayeen Ciidamada nabad galyada deegaanka Islamarkaana la doonaye in ninkaasi gacan ku dhiig laha ah la soo qabto ayaa tacshiirad lays weydaarsaday waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah ciidamadii howlgalka fulinaye taa soo kentay in ugu dambeyntii la soo qabto ninkaasi Sida uu Shabkadda Warbaahinta Shabelle u Xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Balad xaawo Axmed maxamed Yuusuf Barkuus.

Guddoomiyaha degmada Balad xaawo ayaa intasai ku daray in nin kaasi gacan ku dhiig laha ah saakay la soo taagayo maxkamada Shareecada Islaamka ee degmada Balad xaawo si loogu qaado xukunkii uu muteystay maadaam uu si ula kac ah u dilay laba qof mid kalena uu si xun u dhaawacay.