|
|
|
Maamulka Puntaland oo
sheegay in ay dagaal xoogan la galaayaan kooxaha dadka ka tahriibiya
Puntaland. |
|
|
Mogadishu 28 February. 08 Maamul Goboleedka Puntaland ayaa sheegay
in ay toogasho ku dili doonaan Ciidii mar Danbe ka tahriibisa dad
xeebaha Maamulkaasi.
Sarkaal Sare oo ka tirsan maamul Goboleedka Puntaland isla markaan
ka gaabsaday in uu magaaciisa shaaciyo ayaa waxaa uu sheegay in ay
toogasho ku dili doonaan cidii isku dayda in ay dad ka tahriibiso
xeebaha maamul goboleedka Puntaalan halkaasi oo inta badan ay ka
tahriibaan Dad u badan Somali isla markaana ay ku muteeystaan
Dhibaayooyin fara badan oo u badan Dhimasho.
Sarkaalkaasi ayaa waxaa uu sheegay in goor dhow la hir galin doono
xukunka dilka ah waana xukun ka dhan ah ayuu yiri kooxaha sida
sharci darada ah uga tahriibiya xeebaha Puntaland oo dadkaasi ay ku
naf waayaan badweeynta.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in in kal badan 1400 oo qofood lagu
tuhun san yahay sida ay QM sheegtay in qaarkood ilaa iyo hada la
weeysan yahay qar kalena ay qaraqmeen waxaana uu tilmaamay in
arintaasi ay tahay dhibaato xoogan oo in badan loo dul qaadanayay.
Doomaha Dadka lagu qaado ayaan inta badan gaari xeebaha magaalada
Cadan waxaana ay dadka ku daadiyaan Badweeynta taasi oo keenta in
dadkaasi ay ku harqamaan qeeybo dhexe oo ka mida Badweeynta ay
libaax badeedyada ka buuxaan.
In badan oo ka mida dadka ka bad baaday doomahasi ayaa waxaa ay si
dhuumaaleeysi ah u galaan dalka Saudi Arabia kuwaasi oo qaarkood
isla markiiba dib loo soo qabto iyagoo aan nolo wanaagsan ku helin
dalkaasi.
Madaxweeynaha maamul goboleedka Puntaland Cade Muuse ayaa waxaa uu
sheegay in Xukunka dilka ah loo isticmaali doono kooxaha dadka
Tahriibiya oo kaliya isla markaan ay yihiin kooxo dadka ka Ganacsada.
Cade Muuse ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu ka daalay wax ka
qabashada kooxahaasi laakiin waxaan uu xusay in dagaal culus ay la
gali doonaan.
Tan iyo markii uu dalka Somali belay doowladii dhexe ayaa waxaa
magaalada Boosaaso ku soo kor dhayay dadka sida Sharaci darada ah
uga tahriiba iyadoo badweeynta u dhexeeysa Somalia iyo Dalka Yemen
inta la og yahay ku geeriyoodeen Kumaan kun oo ah muwaadiniin Somali
ah kuwaasi oo ka cararay qul qulatooyinka ka aloosan Dalka Somalia
Sanadihii laga soo gudbay.
Somali
|
|
| |
|
| |
Fadlan figradaada saliimkaa ku darso qormadan ama xogtan aan soo
daabacnay. Maxay kula tahay? la wadaag aragtidaada akhristayaasheena.
Copyright © 2001 by Jubanet. All rights reserved.
Revised:
03/02/08 23:07:14 -0000.
|