JUBANET

 

Home

        Wararka Soomaaliya & Caalamka  
    
Somalida ku dhaqan wadanka kenya oo lagu wado in ay dhigaan Banaabax ay ku taagreeyaan Barak ubaama.  


Magalada Wajeyr ee dalka kenya ayaa waxaa lagu wadaa in dad Somaliyeed ay banaabax lagu taageerayo musharaxa madaxtinimada dalka mareykanka Barak Obama oo markii ugu horeysay soo xirtay dharka Somalida.

Dadka deegaanka magaalada wajeyr ee dalka kenya ayaa waxa ay qorsheynayaan in ay banaabaxyo dhigaan islamarkaana taageero ugu muujinayaan musharaxa xibsiga dimuqraadiga ee wadanka mareykanka Ubaam ka dib markii sida la sheegay uu xirtay dharka Somalida ay dhaqan ahaan u leedahay.

Axmed Shiikh Bahalaw oo ka mid ah dadka deegaanka degmada Wajeer ayaa sheegay in ay dibad baxyo dhigi doonaan salaadda jimcada ka dib si ay u muujiyaan taageeradooda ay u hayaan musharraxa xisbiga dimuqoraadidiga Barak Obama. Bulshadada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool dalka kenya

Ma ahayn dad si gaar ah u danaeeya arrimaha siyaasadda maraykanka laakiin arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen eedaymo loo jeediayay Barak Obama oo ahaa in uu ku labistay dharka soomaalidu ay hidaha iyo dhaqanka u leedahay.

Barak Obama ayaa booqasho ku tagay magaalada wajeer ee dalka Kenya sanadkii 2006 waana nin aabihii uu ka soo jeedo dalka kenya.